You are currently viewing Wasaaradda Tamarta Oo Macdan Baadhis Ka Bilaabaysa Gobolka Saaxil

Wasaaradda Tamarta Oo Macdan Baadhis Ka Bilaabaysa Gobolka Saaxil

Wasaaradda Tamarta Oo Macdan Baadhis Ka Bilaabaysa Gobolka Saaxil

Madheer- Agaasimaha Guud Ee W.T.M iyo Gudoomiyaha G/saaxil iyo sidoo kale masuuliyiinta degmadda Madheera ayaa maanta (Shalay) ka qayb galay munaasibad oo lagu daah furayay macdan baadhis ay wasaaraddu ka bilaabi donto degaano kamida G/saaxil gaar ahaan galbeedka saaxil degaanadan oo hoos yimada degmadda madheera ayaa dadka ku dhaqan degaanku si aad ah usoo dhaweyeen inay Wasaarada Tamarta iyo Macdantu hawul-galdan ka bilowdo iyagoo  sheegeyna inay la shaqayn donaan.

Gudoomiyaha degmada madheera Cumar Cali Xusen Buraale  iyo qaar ka mida odayaasha degmooyinka ayaa soo dhaweeyay hawl galada ay wasaaradu ka bilaabayso degaanadaasi lagu sahminayo macdanta ku ku duugan dhulkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Cisman Xasan oo halkaasi ka hadalay ayaa soo dhaweeyay isaga oo dadka ku dhaqan degaankana usoo jediyaay inay la shaqeyaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta iyo Macdantu Eng Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed oo isaguna halkaas ka hadalay ayaa sheegay inay wasaarad ahaan hawulgalo kala duwan ka sameyeen dalka gaar ahaan degaanada gobolka Saaxil isaga oo usoo jeediyay dadka ku dhaqan degaankaasi inay la shaqeyaan wasaaradda oo baadhaysa macadanta dalku uu leeyahay.

Ma`aha markii ugu horeysay ee ay wasaaraddu ay sahmin noocan oo kale ah bilowdo degaanada g/saaxil dadka ku dhaqan g/saaxil ayaa siweyan usoo dhaweeyay hawlgada ay Wasaarada Tamarta iyo Macdantu ay ka wado degaanadaasi waxayna shegeen inay la shaqeeyaan  donaaan waasarada.

Leave a Reply