RUQSADDA SII HAYSASHADA MACDANTA

QEEXIDA

Ruqsadda sii haysashada dhul macdaneed waxaa qaadan kara cidkasta oo haysata ruqsaddaha sahanka macadanta, kaasoo cadeeyey kaydka macadaneed iyo muhiimada dhaqaale ee uu leeyahay, taa soo arimo dhaqaale awgood aanu soo saari karin ama shaqadda bilaabi Karin, waxaa uu xaq u leeyahay inuu dalbado ruqsaddan.

SHURUUDAHA

  • Cidkasta oo sii haysata ruqsadda sahanka macdanta waxaa ay ka codsan kartaa Wasiirka in uu siiyo ruqsadda sii haysashada dhul macdaneed: –
  • Oo Ogaadeen in uu leeyahay kayd macdaneed oo ku yaal dhulka ruqsadda sahanka macdanta loo siiyay kaas oo faaiido muhiim ah u leh;
  • Inay ku qanceen in aan kaydka macdaneed ee ku duugan si dhakhso ah loo soo saari karin sababo farsamo, kuwo suuq ama kuwo dhaqaale awgeed oo laga yaabo muddo kadib in laga bixi karo
  • Ruqsadda sii haysashada dhul-macdaneedka waxaa la bixinayaa muddo aan ka badnayn labo sanadood waana in ay la socdaan shuruudo ku saabsan ilaalinta kayd macdaneedka iyo deegaankaba iyo wixii kale ee wasiirku u arko in lagu daro ruqsadda ama heshiyada la xidhiidha ee hormarineed

TALAABADA KOWAAD

  • Codsiga Ruqsadda Sii Haysashadda Dhul Macdaneed
  • Cidkasta oo haysata ruqsadda sahanka macdanta waxaa ay codsan kartaa ama ka dalban kartaa Wasiirka in uu siiyo ruqsadda sii haysashada dhul ay-
  • Oo ay ogaadeen in uu leeyahay kayd macdaneed oo ku yaal dhulka ruqsadda sahanka macdanta loo siiyay kaas oo faaiido muhiim ah u leh;
  • Ku qanceen in aan kaydka macdaneed ee ku duugan si dhakhso ah loo soo saari Karin sababo farsamo, kuwo suuq ama kuwo dhaqaale awgeed oo laga yaabo muddo kadib in laga bixi karo
  • Codsiga lagu dulabanayo ruqsadda sii haysashada dhul macdaneedka waa in ay la socoto qiimayn ama cilmi baadhis ay sameeyeen khubaro madax banana oo oo ku saabsan-
  • Baaxadda caqabadaha jira, inta lagaga bixi karo, muhiimadda dhaqaale kaydkaa macdaneed, xaaladaha suuqa iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, iyo xaaladaha farsamo iyo dhaqaale ee hortaagan soo saarista kaydkaa;
  • Saamaynta ay ku yeelan karto hawsha soo saarista macdantaasi deegaanka iyo sida ugu wanaagsan ee meesha looga saari karo ama loo yarayn karo samaynta ay yeelan karto
  • Xogkasta oo wasiirku u baahdo in lagu soo daro codsiga lagu dalbanayo ruqsadda sii haysashada goob macdaneedka iyo soo saarista kaydka;

TALAABADA LABAAD

  • Inaad bixiso kharash ka ruqsadda ee aan lasoo celin Karin
  • Waxaa lagugu siin doona ruqsadda muddo afar iyo toban cisho gudahooda ah (14)