RUQSADDA SAHANKA MACDANTA

QEEXID

Ruqsadda sahaminta macdantu; waxaa weeyaan ruqsadd ama ogolaansho loo qaato sahaminta macdanta iyo kaydadkeeda iyada oo la adeegsanayo farsamooyinka cilmiga dhulka, jiyookiimikaada, jiyoofiisikaalka ama dariiqooyin kale ee la xidhiidha farsamooyinka, qodaalka iyo muunad qaadista.

SHURUUDAHA

  • Ruqsadda sahaminta macdaneed waxaa lasiin karaa shirkadaha muwaadininta iyo shirkadaha ajaanibka ah labadaba.
  • Ruqsadda sahaminta macadantu waxay shaqaynaysaa mudo sadex sano ah laga bilaabo taariikhda labixiyey.
  • Waa in ay shirkadu leedahay awood dhaqaale, awood farsamo iyo mid aqooneed.
  • Kuwa haysta ruqsadda sahaminta macdantu waa inay lakulmaan nidaamyada dadwaynaha sida bedqabka shaqada, ilaalinta iyo dib-uhagaajinta degaanka sida ku cad xeer hoosadada macdanta.

TALAABADA KOOWAAD

  • Foomka codsiga.
  • Xeer-hoosaadka shirkadda oo ku qoran Soomali iyo Ingiriisi.
  • Astaanta shirkadda
  • Nootaayada sharciga ah oo ay ku cadahay lahaanshaha shirkadda
  • Kaadhadhka aqooniga saamilayda shirkadda (in ka badan leh 10%)
  • Shahaadada rugta Ganacsiga Soomaaliland

 

TALAABADA LABAAD

  • Warqadda diiwaan gelinta shirkadda ee WT&M.
  • Warqadda xafiiska xeer-ilaalinta guud ee qaranka
  • Warqadda warbixita maaliyadeed ee baanka (muwaadinka $40,000 ajaanibkana uu yahay ugu yaraan $80,000)
  • Shirkaddu wa inay keenta warbixino ku salaysan baadhitaano jiyolajiyeed iyo kuwo jiyokimakaad
  • Sahanka goobta codsadaha oo ay fuliyaan shaqaalaha waaxda macdanta
  • Qorshe hawleedka shirkadda (oo ay ku jiraan qorshaha ilaalinta deegaanka)
  • Xafiis ka diwaan gashan Soomaaliland

TALAABADDA SADEXAAD

  • Bixinta qarashka ruqsadda aan lasoo celin Karin
  • Buuxinta foomka kowaad (ku lifaaqan halkan)
  • Hishiis ay wada galayaan dawladda iyo shirkadda
  • Waxaa lagugu siin doonaa ruqsadda Sahanka macdanta mudo afar todobaad gudahood ah