RUQSADDA GANACSIGA MACDANTA

QEEXID

Ruqsadda ka ganacsiga macdanta waa dukment ay bixiso waaxda macdantu kaasoo kuu ogolaanaya in aad iibso ama iibsatid noocyada macdanaha kaladuwan.

SHURUUDAHA

  • Qofna looma ogola in uu ka qayb qaato gacnacsigan ogolaansho sharciyeed la’aantii.
  • Ruqsadda ka ganacsiga macdanta waxaa qaadan kara muwaadininta keliya
  • Ruqsadda ka ganacsiga macdanta lama wareejin karo
  • Ruqsadda ka ganacsiga macdantu waxaa uu shaqaynayaa mudo hal sano ah.
  • Ruqsadda ka ganacsiga macdanta waa lacusboonaysiin karaa sanad kasta, hadii uu buuxiyo shuruudaha u yaalley
  • Ruqsadda ka ganacsiga macdantu waxaa uu dhacayaa 31 diisenbar sanad kasta
  • Kuwa haysta Ruqsadda ka ganacsiga macdanta waa inay soo gudbiyaan warbixin sadex biloodle ah (January, April, July &October)

Talaabada kowaad

  • Foomka codsiga.
  • Xeer-hoosaadka shirkadda oo ku qoran Soomali iyo Ingiriisi
  • Aqoonsiga, Magaca iyo khibradda masuulka shirkadda u qaabilsanaanaya barnaamijka macdan iibineed .
  • Shahaadada rugta Ganacsiga Soomaaliland
  • Nootaayada sharciga ah oo ay ku cadahay lahaanshaha shirkadda
  • Kaadhadhka aqooniga saamilayda shirkadda

TALAABADA LABAAD

  • Warqadda diiwaan gelinta shirkadda ee WT&M.
  • Warqadda xafiiska xeer-ilaalinta guud ee qaranka.
  • Warqadda warbixita maaliyadeed ee baanka (ugu yaraan $3,000)
  • Xafiis ka diwaan gashan Soomaaliland

TALAABADDA SADEXAAD

  • Bixinta qarashka ruqsadda aan lasoo celin Karin
  • Buuxinta foomka kowaad (ku lifaaqan halkan)
  • Waxaa lagugu siin doonaa ruqsadda ka ganacsiga hordhac ah mudo 14 cisho gudahood ah