RUQSADDA MADCAN QODISTA OO KOOBAN

QEEXIDA

Macdan qodista koobani waa, qodista macdanta lagula soo baxayo qalabka fudud iyada oo aan dhulka la qodayn, wax ka badan labaatan mitir (20m).

SHURUUDAHA

  • Macdan qodista kooban waaxaa qaadan kara shaqsi ama shirkadd.
  • Ruqsadda macdan qodista koobani waxaa ay shaqaynaysaa muddo shan sano ah, waana la cusboonaysiin karaa.
  • Ruqsadda macdan qodista kooban waa la wareejin karaa ama la rahmi karaa.
  • Ruqsaddleyaasha macdan qodista kooban waxaa looga baahanyahay in ay u hogaansamaan xeerarka caalamiga ah sida bedqabka shaqada, ilaalinta iyo dib-uhagaajinta degaanka sida uu wasiirku go’aamiyo.

TALAABADA KOWAAD

  • Foomka Codsiga
  • Xeer-hoosadka shirkadda oo ku qoran Soomali iyo Ingriisi
  • Astaanta shirkada (oo ka kooban cinwaanka shirkadda, himilada iyo hiigsiga, qiyam ka aasaasiga ah, qorshaha istiraatiijiyadeed iyo jiritaanka taariikheed ee shikadda (back ground) iwrn…)
  • Shahaadada rugta Ganacsiga Soomaaliland
  • Nootaayada Sharciga ah oo ku cadahay lahaanshaha shirkadda
  • kaadhadhka aqoonsiga ee saamilayda shirkadda

TALAABADA LABAAD

  • Warqadda diiwan galin shirkadeed ee WT&M
  • Warqadda xeer-ilaalinta guud
  • Warqadda warbixinta maaliyadeed ee baanka (ugu yaraan $ 80,000)
  • Waa in la cadeeya nooca macdanta la raadinaayo iyada oo loo eegayo ruqdsada
  • Magaca iyo khibradda masuulka shirkadda u qaabilsan hawlaha macdan qodiseed
  • Qorsho hawleedka shirkadda
  • Sahanka goobta codsadaha oo ay fuliyaan shaqaalaha waaxda macdanta (baloog xidhis).
  • Warbixinta saamaynta macdanta ee badqabka deegaanka
  • Xafiis ka diiwan gashan Soomaliland

TALAABADA SEDEXAAD

  • Bixinta kharashka ruqsadda aan lasoo celin karin.
  • Buuxinta foomka kowaad (ku lifaaqan halkan)
  • Waxa lagugu siin doonaa ruqsadda qodaalka muddo afar todabaad guduhood