You are currently viewing Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Oo Qabsatay shir bileedkii shaqaalaha .

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Oo Qabsatay shir bileedkii shaqaalaha .

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments

Hargeysa-Shir balaadhan oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan shaqaalaha wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jsl Madaxada Wasaaradda oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda  Tamarta iyo Macdanta Somaliland Md  Eng Xuseen Cabdi Ducaale iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Siciid Axmed Jibriil iyo dhamaan agaasime waaxeedyadda iyo saraakisha sare ee Wasaaradda Tamarta iyo Macadanta Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka wasaaradda .

 

Shirka bishan ayaa daarna dardargalinta iyo kobaca shaqadda qaranka ay u hayso wasaaraddu iyo sidii looga dhowarsanaan lahaa ololaha siyaasadda wakhtiyaddan fooda inagu soo haya ,waxaan ugu horeyn kalmad soo dhaweyn iyo ajandaha shirkaasi ku bilaabay agaaasime guud Siciid Xasan Jibriil waxaan sheegay in shaqaalaha dowladu laf dhabar u yihiin hawul-maalmeedka shaqadda qaranka .

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa dhinicisa amaan balaadhan u soo jeediyey shaqaalaha wasaaradda iyo kobaca laxaadka leh oo ay sameeyeen shaqaalaha ,isago sifoo kale midh midh u dul istaaga waaxyaha wasaaradda iyo shaqadda balaadhan ee mudooyinka danbe u hirgalay oo ay kow katahay mashruuca sahaminta shidaalka somaliland oo muddo sided bilood ah dalka ka socday .
Sido kale Wasiirka ayaa kula dardaarmay shaqaalaha wasaaradda in ay sii laba jibaaraan hawlaha muhiimka iyo shaqadda iyo adeega ay bulshadda Somaliland u hayaan .

Ugu danbeyntii agaasime waaxeedyadda iyo Madax xafiiseedyada wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo bandhigay waxqabadkoodi bishii tobnaad u qabsoomay iyo guulaha shaqo ee ay u soo hooyeen qaranka

Leave a Reply