You are currently viewing Agaasimaha Guud ee Tamarta Oo Dhagax Dhigay Wajigii labaad ee Nalalka Qoraxdda ku Shaqeeya ee Laascaanood.

Agaasimaha Guud ee Tamarta Oo Dhagax Dhigay Wajigii labaad ee Nalalka Qoraxdda ku Shaqeeya ee Laascaanood.

Agaasimaha Guud ee Tamarta Oo Dhagax Dhigay Wajigii labaad ee Nalalka Qoraxdda ku Shaqeeya ee Laascaanood.

Laascaanood(Moem)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed ayaa dhagax dhigay wajigii labaad ee mashruuca nalalka ku shaqeeya qoroxadda ee wadooyinka iyo dayactirka nalalkii hore ee magaaladda Laascanood.

Dhagax dhiga mashruucan ay fulinayso wasaaradda Tamarta oo xaflad weyn loo qabtay waxaa ka soo qeyb galay Badhasaabka Gobolka Maayirka iyo waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda Gudoomiyaha gobalka sool ayaa ku dheeraday in la ilaashado qalabka muhiimka ah ee wasaaraddu u hirgalinayso goblka “mudanayaal sidaa la idiin sheegay waan maalin weyn mashruuca aadka muhiimka u ah ee laydhka cadceeda tamrta ku shaqeeya ee wasaaradda Tamarta iyo Macadantu inoo keentay taaso ay ka mid tahay horumarintii Madaxweyne jamhuuriyadda Somaliland uu ku baaqay”.

Agaasimaha guud Cabdiraxmaan Abdeeq ayaa sheegay in laydhadhka tamarta cadeecadda ku shaqaynayaa lagu xidhaayo wadooyinka waayen goobaha ganacsiga ilaa shan iyo todabaatan xabbo“sharaf bay ii tahay inaan manta dhagaxa dhigno laambadaha cadeeceeda ku shaqeynaaya waana bilowgii horumarka taasi oo aan ugu tala galanay in Laascaanood la tartanto magaalooyinka waayen ee Somaliland”

Agaasimaha Guud ee Tamarta Oo Dhagax Dhigay Wajigii labaad ee Nalalka Qoraxdda ku Shaqeeya ee Laascaanood.

Gudoomiyaha gobalka sool ayaa ku dheeraday in la ilaashado qalabka muhiimka ah ee wasaaraddu u hirgalinayso goblka “mudanayaal sidaa la idiin sheegay waan maalin weyn mashruuca aadka muhiimka u ah ee laydhka cadceeda tamrta ku shaqeeya ee wasaaradda Tamarta iyo Macadantu inoo keentay taaso ay ka mid tahay horumarintii Madaxweyne jamhuuriyadda Somaliland uu ku baaqay”.

waxaa dhankiisa soo dhaweeyay maayirka dagmadda laascaanood “waxaa faraxad weyn noo inaan halkan ku daah furayno mashruuc in badan soo socday in badana aan sugaynay oo ku saabsan mashruuca nalalka tamarta cadceeda ku shaqeeya in badan baa hawshooda lagu jiray waxaanan hawshaa iga mahad naqayaa wasaaradda Tamarta iyo Macdanta”.

Cali Ibraahim isuduha gobalka sool ee wasaaradda ayaa sharax kooban ka bixiyay ujeedada nalalkan qoroxda ku shaqeyanayaa “Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa inoo daahfuri doonta agaasimaha guud ayaa inoo dhagax dhigi doona solar streert-dii magaaladda laascaanood wajigii labaad kuwaasi oo inoo keenay 75 xabbo iyadoo hawshan uga jeeda magaaladda nabadgaliyadeeda, ganacsigeeda iyo quruxdeedaba”.

Cuqaasha Gobolka oo si weyn u soo dhaweeyay mashruucan ayaa tiraabay hadaladan “waan idin soo dhaweynaynaa baahida solartu ee iftiinka magaaladu intaa waa ka baaxad weyn yahay laakiin intii aad hore noogu qabateen iyo inta aad wadaan noo dayac tira”
agaasimaha waaxadda qorshaynta md. Cabdifataax Cumar ayaa isaguna sheegay in safarkoodu daarna laba qodob oo ah mid cusub oo 75 caleemood laydh oo qoroxadda ku shaqeeya laga hirgaliyo gobalka iyo in 65 kii wajiigii kowaad la dayactiro.


Xafiiska Xadhiidha Dadweynaha iyo Saxaafadda
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Js

Leave a Reply