You are currently viewing Wasiiru-dawlaha Cusub ee Wasaaradda Tamarta Oo Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegey iyo Nuxurka Khudbadihii Madasha Laga Yidhi

Wasiiru-dawlaha Cusub ee Wasaaradda Tamarta Oo Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegey iyo Nuxurka Khudbadihii Madasha Laga Yidhi

“HAddii La Isu Eego Wasaaraddii Aan Ka Imi Iyo Tan Aan Hadda Imi, Run Ahaantii Waa Laba Kala Fog Oo Shaqo Iskuma Laha”- Wasiir Garas
=====================================================
Wasiiru-dawlaha Cusub ee Wasaaradda Tamarta Oo Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegey iyo Nuxurka Khudbadihii Madasha Laga Yidhi

Hargeysa – Wasiirudawlaha cusub ee dhawaan madaxweynuhu u magacaabay wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland Aqoonyahan Yuusuf Cismaan Garas ayaa si rasmi ah xilki wasaaraddaas ugala wareegay wasiiru dawlihii hore haatanna ah wasiiru dawlaha cusub ee wasaradda gaashaan dhiga Mr. Cabdiraxmaan Siimoodi.

Wasiirudawlaha cusub ee wasaradda tamarta Mr. Garas oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda wershadaha Somaliland aya amunaasibadda uu xilka kula wareegay waxaa ka qayb galay wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno, hawl wadennada wasaraddaas iyo marti sharaf kale. Xubnihii halkasi ka hadlay waxa kamid ahaa wasiir kuxigeenka cusub ee wasaaradda Madaxtooyada horena u ahaa wasirr ku xigeenka maalliyada Cali Axmed Dhegoole oo sheegey in wasiiru dawlaha cusub oo ay saaxiibo dhaw yihiin isla markaana uu isagu hore ugu soo wareejiyey xilka wasaaradda warshadaha uu ku hubo aqoon iyo karti iyo hufnaan shaqo isaga oo hawl wadeennada wasaaradda tamartana ku dardaaray inay si fiican ula shaqeeyaan.

“Garas oo aan kaga imi wasaaraddii wershadaha oo aan xilkaas 11 bilood ka hor ku wareejiyey xilkii wasaaraddaas iyo Cabdiraxmaan oo aan isagu sanadihii u dembeeyey dhaqaadhin ee halkan joogay waxaa xil wareejintoodu ka mid tahay sunnaha dawladnimada oo aniguba wasaaraddii saddexaad baan marayaa oo waxaan hore u noqday wasiir kux igeenka wershadaha, haddana maalliyada immikana waxaan ahay Madaxtooyada,markaa isku bedelkani waxa ay kamid tahay wareega nolosha iyo in qofkamaaliba lagu eego wasaaradda uu waxka qaban karo”. Sidaas waxaa yidhi Wasiir Cali Axmed Dhegoole oo isagu labada wasiiru dawle u kala wareejiyey xilka.

Wasiiru dawlaha xilka wareejiyey Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil Siimood oo isna halkaa ka hadlay ayaa is baray hawl-wadeennada wasaaradda iyo wasiiru dawlaha bedelayay xilkiisa Mr. Garas si gaar ahna farta ugu fiiqay shakhsiyaad wada shaqayn fiican la leh wasaaradda oo kamid ah maalqabeennada ajanabiga ah ee dhinaca macdanta kala shaqeeya wasaaradda, waxaanu halkaasi kaga warramay qorsheyaasha muddadii uuxilka hayay wasaaraddu ay ku tallaabsatay iyo waxyaabaha qabyada ka ah oo uu wasiir garas u rejeeyey in uu halkaas ka sii wado. Gebogabadii wasiiru dawlaha cusub ee wasaradda tamarta iyo macdanta Md. Yuusuf Cismaan Garas Oo halkaasi si rasmi ah xilka ugula wareegay ayaa halkaasi hadallo kooban oo mahadnaq iyo dhiirigelin ah ka jeediyey isaga oo si gaar ah u ammaanay agaasimaha guud ee wasaaraddaas oo uu kutilmaamay in uu yahay masuul shaqada waayeel ku ah “waxaan jecelahay inaan idiinka mahad naqo wada shaqaynta aad wasiiru dawlaha idinka dhaxaysay anigoo rejeynaya inaynu si fiican isula jaan qaadi doono, Ammaantaa la idin amaanayna maaha mid beenah ee waa dhab oo wasaaraddani waawasaaraddii ugu quruxda badnayd shaqadeeduna ugu miisaanka badnayd. Runtii wasaaradda aan kaimid iyo wasaaraddan aan imina haddiila isu eego run ahaantii waa laba kala fog oo shaqo iskuma laha”. Sidaas ayuu yidhi Wasiir Garas.

Leave a Reply