You are currently viewing Wasiir-Dawle Garas Oo Kormeer Shaqo U Tagay Oodweyne

Wasiir-Dawle Garas Oo Kormeer Shaqo U Tagay Oodweyne

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments

Oodweyne-Safarka Wasiirka ayaa daaranaa gebogebada wejigii koobaad ee Mashruuca Sahaminta Shidaalka ,taas oo mudo ka socotay deegaanO hoosyimaada gobolkaas waxaanu Wasiirku Xarunta Gobolka kulan balaadhan kula qaatay Maamulka heer Gobol iyo Degmo iyo weliba Madax dhaqameedka ,cuqaasha iyo wax garadka Gobolka.

Waxaana ugu horayn Madasha hadal warbixin ah ka soo jeediyey Mr.Cumar Yusuf Cumar oo ah Madaxa Culuunta Dhulka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta isagoo faahfaahin ka bixiyey halka ay marayso hawshii sahaminta shidaalku iyo waxyaabihii u qabsoomay ilaa hada ,
waxaa iyaguna dhinacooda halkaa ka hadlay Madaxda Gobolka ,ta Degmada iyo Cuqaashiyo waxgaradakii kulan kasoo qaybgalay oo si isku mida u soo dhaweeyey mashuuraca , ugana mahadnaqay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyagoo uga mahad naqay hirgelinta mashruucan dhaxal galka ah.

Ugu dambayn waxaa halkaa hadal dheer oo dhinacayo badan taabanaya ka soo jeediyey Wasiirudawlaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta mudane Yuusuf Cismaan Garas , waxaanu Wasiirku si balaadhan u boogaadiyey dhamaan bulshada gobolka daadmadheedh madax iyo minjaba ,isagoo Wasiirku ku amaanay sida quruxda badan ee ay ula shaqeeyeen isuna garab taageen hawl wadeenada wasaaradda iyo shirkada wada sahaminta Shidaalka , Wasiirka ayaana dadka reer Oodweyne ku sifeeyey in ay yihiin qaar Ilbaxa oo mudan in lagu daydo isagoo dhinaca kalena Wasiirku ugu baaqay bulshooyinka ku nool gobolada kale ee hawsha sahamintu ka socoto in ay soo dhaweeyaan mashruucan ,oo muhiimad weyn u leh Dalka iyo dadkaba .

Leave a Reply