RUQSADDA GANACSIGA MACDANTA
QEEXID
Ruqsadda ka ganacsiga macdanta waa dukment ay bixiso waaxda macdantu kaasoo kuu ogolaanaya in aad iibso ama iibsatid noocyada macdanaha kaladuwan.
SHURUUDAHA
- Qofna looma ogola in uu ka qayb qaato gacnacsigan ogolaansho sharciyeed la’aantii.
- Ruqsadda ka ganacsiga macdanta waxaa qaadan kara muwaadininta keliya
- Ruqsadda ka ganacsiga macdanta lama wareejin karo
- Ruqsadda ka ganacsiga macdantu waxaa uu shaqaynayaa mudo hal sano ah.
- Ruqsadda ka ganacsiga macdanta waa lacusboonaysiin karaa sanad kasta, hadii uu buuxiyo shuruudaha u yaalley
- Ruqsadda ka ganacsiga macdantu waxaa uu dhacayaa 31 diisenbar sanad kasta
- Kuwa haysta Ruqsadda ka ganacsiga macdanta waa inay soo gudbiyaan warbixin sadex biloodle ah (January, April, July &October)
Talaabada kowaad
- Foomka codsiga.
- Xeer-hoosaadka shirkadda oo ku qoran Soomali iyo Ingiriisi
- Aqoonsiga, Magaca iyo khibradda masuulka shirkadda u qaabilsanaanaya barnaamijka macdan iibineed .
- Shahaadada rugta Ganacsiga Soomaaliland
- Nootaayada sharciga ah oo ay ku cadahay lahaanshaha shirkadda
- Kaadhadhka aqooniga saamilayda shirkadda
TALAABADA LABAAD
- Warqadda diiwaan gelinta shirkadda ee WT&M.
- Warqadda xafiiska xeer-ilaalinta guud ee qaranka.
- Warqadda warbixita maaliyadeed ee baanka (ugu yaraan $3,000)
- Xafiis ka diwaan gashan Soomaaliland
TALAABADDA SADEXAAD
- Bixinta qarashka ruqsadda aan lasoo celin Karin
- Buuxinta foomka kowaad (ku lifaaqan halkan)
- Waxaa lagugu siin doonaa ruqsadda ka ganacsiga hordhac ah mudo 14 cisho gudahood ah