RUQSADDA MADCAN QODISTA OO KOOBAN
QEEXIDA
Macdan qodista koobani waa, qodista macdanta lagula soo baxayo qalabka fudud iyada oo aan dhulka la qodayn, wax ka badan labaatan mitir (20m).
SHURUUDAHA
- Macdan qodista kooban waaxaa qaadan kara shaqsi ama shirkadd.
- Ruqsadda macdan qodista koobani waxaa ay shaqaynaysaa muddo shan sano ah, waana la cusboonaysiin karaa.
- Ruqsadda macdan qodista kooban waa la wareejin karaa ama la rahmi karaa.
- Ruqsaddleyaasha macdan qodista kooban waxaa looga baahanyahay in ay u hogaansamaan xeerarka caalamiga ah sida bedqabka shaqada, ilaalinta iyo dib-uhagaajinta degaanka sida uu wasiirku go’aamiyo.
TALAABADA KOWAAD
- Foomka Codsiga
- Xeer-hoosadka shirkadda oo ku qoran Soomali iyo Ingriisi
- Astaanta shirkada (oo ka kooban cinwaanka shirkadda, himilada iyo hiigsiga, qiyam ka aasaasiga ah, qorshaha istiraatiijiyadeed iyo jiritaanka taariikheed ee shikadda (back ground) iwrn…)
- Shahaadada rugta Ganacsiga Soomaaliland
- Nootaayada Sharciga ah oo ku cadahay lahaanshaha shirkadda
- kaadhadhka aqoonsiga ee saamilayda shirkadda
TALAABADA LABAAD
- Warqadda diiwan galin shirkadeed ee WT&M
- Warqadda xeer-ilaalinta guud
- Warqadda warbixinta maaliyadeed ee baanka (ugu yaraan $ 80,000)
- Waa in la cadeeya nooca macdanta la raadinaayo iyada oo loo eegayo ruqdsada
- Magaca iyo khibradda masuulka shirkadda u qaabilsan hawlaha macdan qodiseed
- Qorsho hawleedka shirkadda
- Sahanka goobta codsadaha oo ay fuliyaan shaqaalaha waaxda macdanta (baloog xidhis).
- Warbixinta saamaynta macdanta ee badqabka deegaanka
- Xafiis ka diiwan gashan Soomaliland
TALAABADA SEDEXAAD
- Bixinta kharashka ruqsadda aan lasoo celin karin.
- Buuxinta foomka kowaad (ku lifaaqan halkan)
- Waxa lagugu siin doonaa ruqsadda qodaalka muddo afar todabaad guduhood