You are currently viewing Xukumadda Oo Xakamaysay Dahab Sanaag Laga Guranayay

Xukumadda Oo Xakamaysay Dahab Sanaag Laga Guranayay

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal waxa uu sheegay in ay maareeyeen sawaxan ka dhashay buur ku taalla gobolka Sanaag oo laga guranayay Dahab, islamarkaana dadkii halkaasi ku soo jabay laga joojiyay hadda. Waxa uu sheegay in ay dadka degaanka iyo wasaaraddu iska kaashadeen sidii dadkaasi looga joojin lahaa buurta.

Degaanka Cirshiida la yidhaa,dadka degaanka degan runtii si waayo aragnimo leh oo ragganimo leh oo odaynimo leh oo dhaqan leh ayay u maamuleen waanay nala socodsiiyeen waanay ka saareen dadkii ku soo jabay oo khataro badan lahaa, khataro badan lahaa. Dadka degaanka iyo dawladda oo is kaashaday in meesha maamul haggaagsan u sameeyaan ayaanu ku heshiinay iyada oo wasaaraddu hormuud ka tahay degaankuna goob joog ka yahay cidda ka faa’iidaysanaysaana tahay degaanka iyo umaddiiba,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in waxa buurtaasi laga guranaya tahay Dahab iyo Dheemman, islamarkaana ay khatar abuuri karto haddii aan si cilmiyaysan loo soo saarin. Waxa kale oo uu ka shanqadhiyay in dad amniga halis ku ah ay qayb ka noqon karaan dadka ka faa’iidaysanaya “Balaayo oo dhan baa ku soo dhuuman karta, nabad galyo darro xun baa ka abuurmi karta, dadka masaa’ibka la ordaya ayaa ku soo dhuuman kara oo ka faa’iidaysan kara,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Ugu dambeyna waxa uu wasiirku sheegay in ay diyaariyeen sharciga lagu maamulayo khayraadka Waddanka waxaanu tilmaamay in la soo saari doono khayraadka iyada oo bulshadu ka faa’iidaysanayo.

Leave a Reply