You are currently viewing Wasiirka Tamarta & Macdanta Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Xubno Ka Tirsan Madaxa Koonfur Afrika

Wasiirka Tamarta & Macdanta Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Xubno Ka Tirsan Madaxa Koonfur Afrika

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments

Wasiirka Tamarta & Macdanta Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Xubno Ka Tirsan Madaxa Koonfur Afrika

12 February 2020- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo in muddo ah ku joogay safar shaqo wadanka Koonfur Africa ay kula kulmay magaalada Pretoria ee caasimadda wadanka koonfur afrika siyaasiyiin ka kala tirsan isbahaysiga hogaanka wadanka haya ee ANC iyo SACP oo uu hogaaminayay xoghaya guud ee xisbiga SACP Mudane Solly Mapaila. Wasiirka waxa shirkaa ku wehelinayay Safiirka Somaliland u jooga Wadanka Koonfur Afrika Mudane Axmed Jaamac iyo Agaasimaha Waaxda Macdanta ee WT&M Cumar Yuusuf Cumar. Shirka waxa lagaga wada hadlay sii xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee Xisbiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga . Ugu danbayntii, waxa uu Wasiirku martiqaad u fidiyay sidii ay u iman lahaayeen Somaliland si ay indhahooda ugu soo arkayaan horumarka dhaqan dhaqaale ee wadanka ka socda; Waxayna balan-qaadeen in dhawaan wafti balaadhan usoo diri doonaan Somaliland.

Intaa ka dib, waftigii wasiirku wuxuu la khulmay ganacsato danaynayay maalgashiga Somaliland, waxa uu Wasiirku u bayaamiyay fursadaha balaadhan ee loo maalgashan karo wadankeena gaar ahaan khayraadka Dabiiciga ee Macdanta iyo Shidaalka. Dhinacooda ganacsatadu waxay aad u faahfaahiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin sidii ay maalgashi Somaliland ugu samaysan lahaayeen, iyo xaqiiqda ay kula soo kulmeen safaradoodii hore ee ay Somaliland ku tageen. Waxa la isla-gartay in guddi farsamo loo xilsaaro hawlaha fudaydinta maalgashiga ay ganacsadan u diyaarka yihiin.

Mudadii uu Wasiirku Safarka ku guda jiray waxa laga waraystay TV-yo iyo Idaacadaha Wadanka Qaar ka mid ah. Waxa lagu casuumay waraysi ka baxay barnaamijka Morning Live ee Tv-ga SABC oo ay daawadaan in ka badan 17 million. Waxa sidoo kale uu waraysi siiyay Tv-ga NewsRoom Africa iyo Idaacadaha SAFM iyo Channel Africa oo laga dhagaysto badi wadamada Afrika.

Leave a Reply