You are currently viewing Wasiirka Tamarta iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Soo Kormeeray Mashruuca Samahinta Shidaalka Ee Ka Socda Degmada Salaxlley

Wasiirka Tamarta iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Soo Kormeeray Mashruuca Samahinta Shidaalka Ee Ka Socda Degmada Salaxlley

“…Waa mashruuca ugu ballaadhan wakhti xaadirkan ee ka socda qaarada Afrika”

Hargeysa-Wefti uu hogaaminayo wasiirka tamarta iyo macdanta Somaliland mudane, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa kormeer ku tagay degmada Salaxlley ee gobolka Hawd, waxaanu daarnaa dardar gelin iyo kormeer hawsha sahanka shidaalka ee balooga (Block) galbeedka Ganel energy.

Wasiirka tamarta ayaa goob goob u dul istaagay shaqada ka socota ee dhul gaaricda lagu ogaanayo shidaalka ku duugan arlada Somaliland, gaar ahaana deegaanka Salaxlley, waxaanu wasiirku gudaha u galay baabuurta kaydisa xogta dhulka hoostiisa ka tiimaada (Jabaqada).

Masuuliyiinta degaanka ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey wasiirka iyo weftigiisa, waxaanay wada jir u kormeereen mashruucan qaybihiisa kala duwan, sida qaybta cagafyada (Banaynta wadooyinka), Serviors, qaybta GPS-ka qaybta aasida kaydinta xogta (nodes) iyo qayta gariirinta dhulka (Viberters).

“Waxa aanu maanta soo kormeernay mashruucan ballaadhan oo mudo sideed bilood ah ka socday Somaliland. Waa mashruuca ugu ballaadhan wakhti xaadirkan ee ka socda qaarada Afrika”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Waxa imika la sii dhammayn doonaa sahaminta kun kiilo mitir (1000m) oo galbeedka ah kana soo bilaabmay Burco galbeedkeeda ilaa Oodweyne, Saba-wanaag ilaa Salaxlley, shan boqol oo kiilomitir ayaa ku hadhay goobtan oo wajiga saddexaad ah, kaas oo gaadhi doonaa ilaa Baligubadle. Hore waxa looga soo sameeyey sahaminta Saraar shan boqol oo kiilo mitir imikana waa dib ayaa loogu noqon doonaa shan boqol oo kale”

Wasiirka ayaa dhankiisa u mahad naqay dadka degaanada uu mashruuca sahaminta shidaalka socdo, waxaanu ilaahay ka baryey inuu midha dhal wanaagsani ka soo baxo natiijada mashruucaas.

Agaasimaha waaxda shidaalka ee wasaarada tamarta ayaa ka warbixiyey hawl galka shaqo iyo silsilada ay soo marto sahamintu, waxaanu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey qaabka codka iyo turjumaada ee xogta dhulka ku duugan.

Geesta kale maayarka degmada Salaxlley ayaa si weyn u soo dhaweeyey weftiga iyo masuuliyiinta kale ee shirkada BGP, waxaanu ka warbixiyey mashuuracan, isaga oo xusay in mashruuciida noocan ah ay dalka u horseedi doonaan horumar iyo barwaaqo, waxanau carabka ku adkeeyey in shacabka Somaliland faa’ido ballaadhani ugu jirto guud ahaan mashruucan.

Mid ka mida shaqaalaha fursada u helay mashruucan ayaa ka warbixiyey fursado shaqo ee dhalinyarta Somaliland ee dalka gudihiisa iyio dibediisa wax ku soo bartay ay ka heli karaan mashruuca sahaminta shidaalka oo ay uga faa’idayn doonaan culuuntii ay soo barteen.

Xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafada

Wasaarada Macdanta

Maxamuud Axmed Cali (Askar)

 

 

 

Leave a Reply