You are currently viewing Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Oo Mashruuc Muhiim Ah Daahfuray

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Oo Mashruuc Muhiim Ah Daahfuray

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Oo Mashruuc Muhiim Ah Daahfuray

Burco(moem) Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka Togdheer ayaa degmada Fiqi Ayuub ee gobolka Togdheer ka daahfuray Mashruuca Macdan Qodista iyo Dhagaxa Jeedhka. Waxa kale oo uu wasiirku xadhigga ka jaray xafiisyo ay yeelan doonaan shirkaddaha mashruucan fulinaya.

Guddoomiyaha degmada Fiqi Ayuub, cuqaal iyo waxgaradka degmada ayaa wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo xukuumadda Somaliland uga mahadceliyay mashruucan bulshada degaankana ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan mashruucan horumarineed, islamarkaana dhawraan nabadda “Aad iyo aad baanu u soo dhawaynayna shirkadaha iyo dawladda, waxqabad baanu ku soo dhawaynayna nabad galyo ayaanu ku soo dhawaynayna. Haddii aynu nabad galyada ka shaqayno waxaa Illaahay buuraha inoo galiyay wax badan baynu ka faa’iidayna. Waxqabadka ay dawladda iyo wasaaraddu ka fulinayso buuralayda raalli baanu ka nahay oo waanu soo dhawaynayna,” Sidaas ayaa ka mid ahayd hadallada waxgaradka degaanka.

Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa tilmaamay in mashruucani wax weyn ka tari doono dhinacyada nolosha bulshada “Waxaa sharaf noo ah in aanu joogno Fiqi Ayuub, waxaa Illaahay Mahaddii ah in aanu mashruuc aanu filayno in uu wax badan tari doono in badana laga soo shaqaynayay aanu maanta ka daahfurayno Fiqi Ayuub oo aanu filayno in ay dhanka dhaqaalaha iyo dhinaca caafimaadka, dhinaca waxbarashada iyo nolosha dhan walba in uu Fiqi Ayuub wax weyn ka tari doono,” Sidaas ayuu yidhi wasiir wasiirku.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Hinda Jaamac Gaani ayaa bulshada degaanka ku ammaantay soo dhawaynta mashruucan iyo la shaqaynta xukuumadda “Fiqi Ayuub waxa ka jira dhismeyaal badan oo dawladdu hirgelisay. Dawladdii timaadaba waa mid Qaranku leeyahay reer Fiqi Ayuub-na waa dawladdoodii,” ayay tidhi Wasiir Hinda.

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurka Maxamed X Aadan Cilmi ayaa bulshada degaanka ku boorriyay in ay mashruucan soo dhaweeyaan “Soo dhaweeya, gacmaha ku qabta, haya oo weheshada oo si wanaagsan ula dhaqma, Dalka oo dhanna waxa la doonaya in macdan laga baadho,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa bookhday meelaha mashruucan laga hirgelinayo kulamana la qaatay waxgaradka iyo qaybaha bulshada degaannadaasi.
Masuuliyiinta gobolka Togdheer, xildhibaanno iyo madax kala duwan ayaa wasaaradda macdanta ku ammaanay hirgelinta mashruucan kuna boorriyay bulshadu in ay ka faa’iidaysato mashruucan muhiimka ah.

Leave a Reply