You are currently viewing Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jsl Oo la Kulmay Madaxweynaha Siraliyoon

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jsl Oo la Kulmay Madaxweynaha Siraliyoon

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments

Indapa 7 February 2020 Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa safar shaqo ugu baxay wadanka Koonfur Africa. Wasiirka waxa safarkiisa ku wehelinayay Agaasime-waaxeedka Macdanta ee WT&M, Cumar Yuusuf Cumar. Safarkan ayay ujeedadiisu ahayd ka qayb-galka Shir Caalami ah oo dhinaca Macdanta ah oo Sanad kasta lagu qabto magaalada Kayb tawn (Cape-town) ee wadanka Koonfur Africa.
Shirkan ayaa waxa kasoo qayb-galay 2 Madaxwayne iyo 38 Wasiiro oo badi ka yimi wadamada Afrikaanka ah. Mudadii Shirku socda waxa Wasiirku la kulmay Madaxwaynaha Wadanka Siriliyoon Mudane Julius Maada Wonie Bio, Wasiirkiisa Khayraadka Macdanta Mudane Foday Rado Yokie, waxayna si kooban uga wada hadleen sida khibrada laba wadan ee dhinaca macdan soo saarinta loo wadaagi lahaa, mar hadii wadanka Siero leone ay hadda bilaw u tahay sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadka macdanta
Dhinaca kale, waxa wasiirku la kulmay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Wadanka Mali Mudane Lelenta Hawa Baba Ba, waxana laba dhinac wax la iska waydiiyeen qaababka ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo khayraad macdanta ee ku dihin labada wadan.
Intaa ka dib waxa Wasiirku kulan la yeeshay Agaasimaha Sanduuqa horumarinta Arimaha Macdanta ee Bangiga Aduunka Mudane Svene Renner, iyo u qaybsamaha arimaha Macdanta ee Wasaaradda ganacsiga caalamiga ah ee Boqortooyada Ingiriiska Mudane Mark Smith waxa laga wada hadlay sida looga wada shaqayn lahaa yagleelida xidhiidhka Wasaarada iyo laamaha ay masuulka ka yihiin, in la iska kaashado kor u qaadida aqoonta shaqaalaha wasaaradda, iyo sida ay Somaliland qayb-uga noqon lahayd mashaariicaha horumarinta dhinaca macdanta ee qaaradda Afrika ka socda.
Ugu danbayn wasiirku waxa uu shir la yeeshay maalgashadaal ka kala socday shirkado Koonfur Afrika laga leeyahay, iyo qaar caalami ahba oo danaynayay macdanaha kala duwan ee wadanka. Waxa si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii ganacsadan u maalgashan lahayd macdanta ku dihin galiga Somaliland iyo sida loo hirgalinlaha mashruuca sahaminta guud ee macdanta wadanka.
Intaa ka dib, Wasiirka iyo Waftigiisu waxay uga sii gudbeen Magaalada Johensberg oo ay casuumad rasmi ah ugu fidiyeen xisbiga ANC madaxdiisu. Waftiga waxa si mugleh igu soo dhaweeyay Madaarka Laseria ee Magaaladda Johensbergy Safiirka Somaliland ee Koonfur Afrika Amb Axmed Jaamac. Wasiirku waxa uu sii joogi doonaa ilaa maalinta Axada si uu usii dhamaysto kulamada u qorshaysan.

Leave a Reply