You are currently viewing Wasiirka Macdanta & Tamarta Somaliland Oo safar Shaqo Ku Jooga Uganda

Wasiirka Macdanta & Tamarta Somaliland Oo safar Shaqo Ku Jooga Uganda

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments
Wasiirka Macdanta & Tamarta Somaliland Oo safar Shaqo Ku Jooga Uganda

Kampala-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa safar shaqo ugu baxay wadanka Ugaandha. Wasiirka waxa safarkiisa ku wehelinayay Agaasime-waaxeedka Macdanta ee WT&M, Mudane Cumar Yuusuf Cumar.
Safarkan ayay ujeedadiisu ahayd in ay-soo indha indheeyaan nidaamka macdanta-qodista looga wado deegaano ka tirsan wadanka Ugaandha.

Ugu horayn waftigu waxa ay Wasaarada Tamarta iyo horu-marinta Macdanta ee dalka Ugaandha kulan kula qaateen wasiiru-dawlaha horu-marinta macdanta Mudane Lokeris Peter. Halkaas oo labada wasiir iska waraysteen khayraadka dabiiciga; gaar ahaan macdanta ee labada wadan iyo sida ugu haboon ee looga faa’iidaysan lahaa, isla-markaana xidhiidh wada shaqayneed loo yagleeli lahaa.

 

Kulankan dhinaca Ugaandha waxa ku wehelinayay Xildhibaan Welfred oo ah Mudane laga soo doorto deegaanka degmada Kisoro oo kaydka tungsten-ka wadanka ugu balaadhan ku jiro.
Intaa ka dib, waxa waftigu safar ugu kaceen dhinaca degmada Kisoro oo afar-boqol iyo todobaatan (470 km) koonfur galbeed ka xiga caasimada wadanka ee Kampala.
Deegaankan ayaa ah mid hawlaha macdan qodista aad looga yaqaan. Wasiirka iyo waftiga la socday waxay soo booqdeen goobta NYAMULIRO Wolfram Mine oo ah goob macdanta Tungsten-ka laga qodayay tan iyo 1950aadkii. Safarka waxa waftiga ku wehelinayay Mudana Steven Smith iyo John Wambi oo ka mid ah madaxa shirkadda KI Minerals Ltd ee hawsha madax-soo saarista ka wada deegaankaas.

Leave a Reply