You are currently viewing Wasiirka Macdanta Oo Soo Gebo-gebaysay Wejigii Koobaad ee Mashruucii Sahaminta Shiidaalka ee Gobolka Saaxil

Wasiirka Macdanta Oo Soo Gebo-gebaysay Wejigii Koobaad ee Mashruucii Sahaminta Shiidaalka ee Gobolka Saaxil

Berbera-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Md; Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa ka qabgalay Xaflad Balaadhan oo Magaalada Berbera Loogu Qabtay gaba-gabada Wejigii koobaad ee Mashruucii Sahaminta shiidaalka Gobolka Saaxil.

Xafladan oo ka qabsoontay Hotel Diamond ee Magaalada Berbera ayaa Madaxda Wasaaradda Ka Sokow waxaa ka soo Qayb Galay Maamulka Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolka oo ay ugu horeeyaan Gudoomiya Gobolka iyo Duqa Degmada oo ay weheliyaan Gudoomiye yaasha degmooyinka Shiikh iyo Xagal,sidoo kale waxaa Iyana ka soo qayb galay cuqaal ,odayaal iyo Culimo awdiin tira badan oo ka soo jeeda Deegamadii sahaminta Shiidaalku ka soo dhamaatay.

Xafladan oo ahayd Mid isugu jirtay xidhitaankii Mashruuca iyo Mahad celin Loojeedinayey Dadkii ku dhaqnaa Deegamadii Sahaminta laga Sameeyey ayaa waxaa ugu horayn Halkaa Hadal Faahfaahsan oo kaga waramayey maraaxilkii uu soo maray sahaminta shiidaalku iyo Waxa ay filayaan ka soo jeediyey Agaasimaha Waaxda Shiidaalka ee wasaarada tamarta iyo Macdanta.

Intaa ka bacdi Waxaa Iyana dhankooda halkaa hadalo ka soo jeediyey Madaxda iyo Maamulka Gobolka saaxil oo si isku Mida u Hambalyeey Wasaaradda tamarta iyo dadkii deegamadooda sahaminta laga samaynayey,sidoo kale waxaa Iyana dhankooda mashruucaa ka mahad sheegtay odayaal iyo wax garad ku Hadlayey Afka deegaamadii Sahanka laga sameeyey.

Gebo-gebadii waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo halkaa ka soo jeediyey Hadal dheer oo Mahad naq aad u badan u soo jeediyey dadweynaha iyo Madaxda gobolka iyo degmada Gobolka saaxil Isagoo wasiirku sheegay in Gobolka saaxil yahay gobolka keliya ee aanay wax Carqalada ka dhicin Mudadii Mashruucu socday taasna ay sababtay wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa madaxda gobolka iyo bulshada gobolka.

Leave a Reply