You are currently viewing Wasiirka Cusub Ee Macdanta Iyo Tamarta Oo Xilkii La Wareegay

Wasiirka Cusub Ee Macdanta Iyo Tamarta Oo Xilkii La Wareegay

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka qabsoontay hoolka shirarka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL waxaana ka soo qayb galay dad tiro badan oo isugu jiray madaxda hay`adaha dawlada, masuuliyiin ka socday shirkado kala duwan oo maxaliya iyo kuwo caalamiyaba, sidoo kale waxaa madasha soo xaadiray xubno metelayey hay`adaha ajaanibkaa ee dalka ka shaqeeya gaar ahaan kuwa sida gaarka ha ula shaqeeya wasaarada iyo weliba qaarkamida Salaadiinta Somaliland.

Ugu horayn waxaa halkaa hadal dheer oo uu kaga waramayay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey ka soo jeediyey Wasiirkii hore ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta mudane Eng Xuseen Cabdi Ducaale Isagoo dul istaagay mashaariic doora oo uu hirgaleyey intii uu xilka hayey sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee loo soo maga caabay wasaaradda isagoo balan qaaday inuu la shaqayn doono wax kasta oo uu uga baahdana la garab taagan yahay.

Ugu danbayn waxaa halkaa ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo isna dhinaciisa u mahad naqay Wasiirkii hore ee Wasaaradda kuna habalyey wax qabadka laxaadka leh ee la taaban karo ee uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka hayey waxaanu balan qaaday inuu halkaa ka sii wadi doono shaqdii wasaaradda dardarna gelin doono . intaa ka bacdi waxaa si rasmiya Wasiirkii hore ee wasaaraddu xilkii Wasaaradda ugu wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda loo soo maga caabay.

Leave a Reply