You are currently viewing Wasiir Hore Oo Qalab Macdaneed & Buugaag Guddoonsiiyay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Wasiir Hore Oo Qalab Macdaneed & Buugaag Guddoonsiiyay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments

Wasiir Hore Oo Qalab Macdaneed & Buugaag Guddoonsiiyay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Axmed Maxamed Biixi oo wasiirka macdanta Somaliland ahaa sanadihii 1997-2001 ayaa wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ku wareejiyay qalab macdaneed. Waxa kale oo uu wasaaradda siiyay buuggaag uu qoray oo Af-Soomaali ah iyo kuwo luuqada Ingiriisida ku qoran.

Wasiirka macdanta iyo Tamarta Jaamac Haaji Maxamuud Cigaal ayaa wasiirka hore ku ammaanay in uu aqoontiisa uga faa;iideeyay wasaaradda oo uu sheegay mid ku shaqaysa aqoon iyo farsamo. Waxa uu uga mahadceliyay sida uu aqoontiisa ugaga faa’iideeyay dalkiisa.

Dhallinyarada waxaan odhanaya fursad baad haysataan. Maanta rag aad wax ka qortaan oo wax kala hadhaan ayaad haysataan, sida aad maanta u maashan geela irmaan ayaad u taabbo qaadaysaan, marka waa in ragga odayaasha ah ka faa’iidaysataan oo maaha cilmiga uune aad hab-fikirka iyo hab-dhaqankana kala hadhaan ayaa loo baahan yahay,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Eng. Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed ayaa wasiirka hore ku ammaanay in karti iyo wax qabad uu dalka gaystay Axmed Maxamed Biixi.

Axmed Maxamed Biixi wasiirkii hore ee arrimaha Macdanta ayaa isna ballanqaaday in uu sii wadayo dadaalladiisa dhinaca aqoonta iyo wax ka qabashada arrimaha macdanta Somaliland waxaana shahaado sharaf guddoonsiiyay masuuliyiinta wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Leave a Reply