You are currently viewing Wasaaradda Tamarta Iyo Macndta Oo Berbera Ku Daahfurtay Sahaminta Shidaalka

Wasaaradda Tamarta Iyo Macndta Oo Berbera Ku Daahfurtay Sahaminta Shidaalka

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments

Wasiirka macdanta iyo tamarta Md Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay in baadhista shidaalku muhiim u tahay koboca dhaqaalaha waddanka “Waxaan idiin sheegaya in qodobka koowaad ee siyaasadda xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi  Cabdi tahay horumarinta dhaqaalaha Waddanka, in uu yahay la dagaallanka saboolnimada, in uu yahay la dagaalanka shaqo la’aanta. Intaasba waxa lagu heli kara in dhaqaale waddanka loo helo. Dhaqaalaha waxa laga helayo ee la og yahay ee laga dhergana waxa kow ka ah shidaalka. Waxa kale oo aynu ognahay in shidaalku waddankeena ku jiro oo macdani ku jirto. Waxaynu ognahay in imbadan la baadhay laakiin, lagu simi waayay in la soo saaro. Waxaanu heeggan u nahay maanta oo qaranka ugu xilsaaranahay oo aad noo dirateen in aanu shidaal waddanka ka soo saarno iyo macdan,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo Tamarta.

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo isna ka hadlay daahfurka baadhista shidaalka ayaa yidhi “Waxaynu maanta daahfurayna in shidaalka laga baadho gobolka Saaxil oo waliba dadka reer Saaxil aaminsan yihiin in uu daloolin uun u baahan yahay ee aanu baadhis u baahnayn, marka imika kii lagu daloolinayay ayaynu dul joogna, marka waxaan leeyahay dadka reer Berbera iyo dadweynaha gobolka Saaxil ha soo dhaweeyaan oo gacmo furan iyo qalbi furan ha ku soo dhaweeyaan, marka ha u diyaar garoobaan nimcada aynu dusheeda fadhino Allena ha inaga yeelo kuwii intifaacsada ee uu khayr u noqdo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ciddin.

Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa sheegay in bulshada reer Saaxil lagu yaqaano wax wada lahaanshaha “Waxaan Alle ka baryayaa in Illaahay khayr inooga dhigo shidaalka la soo saarayo. Dadweynaha reer Berbera ama gobolka Saaxil laguma aqoon wax kasta oo ay helaan in ay dadka kale ka xigtaystaan laakiin, wax la wada cuno waxa lagu yaqaan gobolka Saaxil siiba degmada Berbera. Aad iyo aad baan ugu mahadnaqaya salaadiintii iyo cuqaasha ilaa shalay hawsha sidii loo dhaqaajin laha nagala shaqaynaysay.”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa isna soo dhaweeyay baadhista shidaalka gobolka Saaxil “Sharaf weyn bay maanta inoo tahay in aynu halkan ku daahfurayno inaga oo isku dhan khayraad inoo furmaya, Illaahay ha inoo dhabeeyo, Berbera marka horeba Somaliland hooyo ayay u ahayd ee waxaan Alle uga baryaya in ay shidaalkana hooyo ugu noqoto. Nimankan reer Galbeedku waxay imika hadal hayaan yoomal qiyaamihii, nimankan furaha dunida loo dhiibayna way dhacaan waxay hadal hayaane waxaan Alle ka baryaya inaga oo aan dunidan bislmilaysan in aanu qiyaamuhu dhicin. Inta aynu Habarjeclo, Habar Awal iyo Habaryoonis ku jirno in aanu qiyaamuhu inagu dhicin salla calee oo aynaan calfanba,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Leave a Reply