You are currently viewing Wasaaradda Tamarta iyo Genel Energy oo Agab ugu Deeqday Wasaaradda Ciyaaraha

Wasaaradda Tamarta iyo Genel Energy oo Agab ugu Deeqday Wasaaradda Ciyaaraha

 

Hargaysa ()- Masuuliyiin ka socday shirkadda Genel Energy iyo Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa si wada jira ugu wareejiyey wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Boos Mire Maxamed agab ciyaareed oo dhamaystiran, kaas oo loogu talogalay ciyaartoyga kooxda kubadda cagta ee heer qaran.

Munaasibad kooban oo loo qabtay wareejinta qalabkan oo ka dhacday xarunta wasaaradda tamarta iyo macdanta, waxaana ka soo qayb galay madax sar sare oo ka socday shirkadda Genel Energy, Agaasimaa guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo agaasimaha waaxda shidaal baadhista iyo Afhayeenka wasaaradda Tamarta iyo marti shafar kale.

Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in qalabki wax weyn ka tari doono baahida ciyaartoyga qaranka, waxaanu shirkadda Genel Energy uga mahad celiyay taageeradooda dhinaca ciyaaraha, waxaanu yidhi “Waxaan halkan uga mahad celinayaa shirkadda Genel Energy oo ah hooyada shirkadaha shidaal baadhista Somaliland iyo wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta. Kolay dirayskan ay noogu deeqday shirkadda Genel Energy, xagayaga maaha wax yar, waa mid nagu wayn aad baan ugu mahad naayaa.”

Wasiir Boos waxa uu intaasi raaciyay “Sidoo kale, waxaan iyagana u mahad naqayaa wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo wasiirrada kale ee nagala qayb qaatay taageeridda dhalinyarada Somaliland oo boqolkiiba todobaatan ka ah qaranka, isla markaana ah qaybta ugu badan bulshada oo u baahan in la is garab taago. Shirkadda Genel Energy waxaan ka guddoomay laba dirays oo dhamaystiran, waxaanan rajaynayaa insha ALLAAH in aanay noqon tii ugu dambaysay.”

Mr. Mike Adams oo ah madaxa sahaminta iyo ganacsiga shirkadda Genel Energy ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxaanu yidhi “Waxaan bogaadinayaa wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland, wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Boos Mire Maxamed iyo marti sharafta kale. Waxaanu Somaliland u nimi in aanu taageero ka gaysano oo aanu kooxaha kubadda cagta siino dirays iyo kabo, waxaan rejeynayaa in ay noqon doonto mid socota taageerada ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland.”

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa u mahad celiyey shirkada Genel Energy isaga oo qalabkiina Guddoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland.

Leave a Reply