You are currently viewing Shirkii 4aad ee Wadaagaha Tamarta ,Macdanta iyo Shiidaalka oo Ka qabsoomay

Shirkii 4aad ee Wadaagaha Tamarta ,Macdanta iyo Shiidaalka oo Ka qabsoomay

Shirkii 4aad ee Wadaagaha Tamarta ,Macdanta iyo Shiidaalka oo Ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL [Energy And Extractives Sector Coordination Forum [EESCF4].

Hargaysa – Waxaa saaka oo Taariikhdu ahayd 29 -august -2018 ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta shir Meeqaam kiisu sareeyo oo ay isugu yimaadeen Daneeye yaasha Tamarta ,Shiidaalka iyo Macdanta Somaliland Shirkan oo ahaa Kii afraad oo ay isagu yimaadaan qolyaha aynu kor kusoo xusnayaa ayaa waxaa soo agaasimay wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo kaashanaysa Hay`ada ay ESRES.

Shirka ayaa waxaa gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Md; Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Cabdiraxmaan Muxumed Maxamed [Abdeeq] Waxaana qayb ka ahaa Hay`ado iyo Shiraa`ig Tiro badan oo isugu Jira Maxali iyo Caalamiba Waxaana ka mid ahaa DFID, ESRES,GEEL,WORLD BANK,UNICON,NIS Foundation ,UNDP, RAKGAS, GANEL ENERGY SEA:- Ururka shirkadaha Korontada iyo SOMRENA;- ururka shirkadaha Tamarta Cusboonaata.

Munaasibadan oo ahayd mid aad u bilicsan ayaa waxaa ugu horeynba hadalka Furitaanka halkaa ka soo jeediyey Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo soo dhaweeyey dhamaanba ka qayb galayaashii shirka isagoo uga Mahad celiyey sida wanaagsan ee ay usoo ajiibeen martiqaadkii wasaaradu u fidisay isala markaana uga soo qayb galeen shirka.

Intaa ka Bacdi Waxaa Goobtaas lagu soo Bandhigay Bandhig- qoraaleedyo farabadan oo ka turjumaya Waxyaabihii u Qabsoomay , Caqabadihii ka hor yimi iyo Qorsha yaashooda Mustaqbalka Midkastoo kamida Ka qayb galayaasha shirka iyadoo waaxaha Tamaarta, shiidaalka iyo Macdanta ee Wasaaradu ay ahaayeen Kuwii qoraalada ugu Dhaadheer Halkaa Kasoo Jeediyey ,Sidoo kale Waxaa Iyana dhankooda Halkaa Qoraalo iyo Hadalaba Kasoo jeediyey Hay`adaha iyo Shirkadaha Kor Ku xusan.

Leave a Reply