You are currently viewing Shirkadda Shidaal Baadhista Ee Sterling Oo Sheegtay In Ay Ku Guulaysatay Sahaminta 1000km Oo Aagga Oodweyne Ah.

Shirkadda Shidaal Baadhista Ee Sterling Oo Sheegtay In Ay Ku Guulaysatay Sahaminta 1000km Oo Aagga Oodweyne Ah.

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments

Hargeysa- Shirkadda sterling Energy oo ka mida saamileyda ku bohowday Genel Energy oo sahamin shiidaal ka wadda Somaliland ayaa hambalyo mug leh u soo direy Wasaaradda Tamarta kadib markii la soo gabagabeeyay sahaminta 1000km oo Aagga Oodweyne ah (block Oodweyne) kaa soo ku eeka 24-08 -2017.

Shirkadan oo soo saarta saliida iyo gaasta ayaa muujisay siday ugu qanacsantahay shaqadda sahminta Shiidaalka ee (2D seismic) oo ay wasaaaddu masuuliyadeeda iyo maalgalinteeda ba lahayd , waxaanay rajeeyeen in wajiga Saddexaad oo ah 500Km oo Baligubadle laga fulin doona si hufan iyaduna u dhammaan doonto.
Shirkadan ayaa ugu danbeyntii hambalyo iyo boogadin usoo dirtay somaliland gaar ahaan wasaaraddda Tamarta.

Shirkaddan ayaa qeyb ku leh saamiga baadhitaankan gaar ahaan block Oodweyne oo ay hoos yimaaddaan Gobolladda Burco, Oodweyne, Saba Wanaag, Sallaxley iyo Baligubadle.
Shirkadda ayaa warkan ay soo saartay rajo fiican kaga muujisay in marka la baadho macluumaadka baadhista ee la sameeyay ay ka soo bixi doonto natiijo fiican maaddaama aaggan la baadhay yahay meelaha laga rajayno khayraad badan. Waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay iclaaminta dhammaystirka 1000Km oo sahamin la waday ah taas oo macluumaadkeeda la qiimayn doono.

1500Km oo laga samaynayay baadhitaan shidaal ayay shirkaddu haatan dhammaysay 1000Km halka ay hadhsan tahay 500Km oo aagga Baligubadle ah. waxa hore loo sahamiyay Block ku yaalla Aagga saraar oo ah 500km. bulshada Somaliland ayaa dhawraysa hadal haynta shidaal baadhista oo socotay sanadihii u dambeeyay taas oo ay wadeen shirkaddaha ay heshiiska wada galeen wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Ugu dambeyna Shirkaddu waxay sheegtay in sahamintan lagu guulaystay iyada oo aanay shilal ama dhibaato ahi dhicin, islamarkaana ay ku dhammaatay xilli hore oo wakhigii loogu talo galay ah.

 

Xafiiska Xidhiidhka Daweynaha iyo Saxaafadda

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta

 

Leave a Reply