You are currently viewing Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo Daahfurtay Dhaqana Gelisay Buugga Hagaha Habraaca Fidinta,Nidaaminta iyo Bed-qabka Korontada.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo Daahfurtay Dhaqana Gelisay Buugga Hagaha Habraaca Fidinta,Nidaaminta iyo Bed-qabka Korontada.

Hargaysa-Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL ayaa Saaka Xarunta Wasaaradeeda Ku qabatay kulan Lagu Daah furayey Isla markaana lagu Dhaqan Gelinayey Buugga Hagaha Habraaca Fidinta,Nidaaminta iyo Bed-qabka Korontada.

Shirkan ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Masuuliyiinta Wasaaradda oo u horeeyo Wasiirka Wasaaradda,Agaasimha Guud iyo AGaasime Waaxeedyada Tamarta iyo Qorshaynta,waxaa kaloo qayb ka ahaa Madaxda Shirkadaha Korontada Dalka iyo Xubno Saraakiil Sar-sare ah oo Ka socday Ciidamada Amaanka.
Ugu horayn Waxaa shirka Furay Agaasimaha Guud ee

Wasaaradda Waxaanu soo dhawayn iyo Mahad-naq ka bacdi hadalka ku wareejiyey Agaasimaha Waaxda Tamarta oo Halkaa Kusoo Bandhigay Qoraal ka turjumaya Qodobada iyo Waxyaabaha uu buugu ka kooban yahay ama Xambaarsan yahay .

Intaa Kabacdi waxaa Iyana madasha Ka hadlay xubno ku Hadlayey Afka shirkadaha Korontada oo Dhankooda soo dhaweeyey Buugan sheegayna in Dabaqi doonaan qodobada buugan ku qoran.

Gabagabadii Waxaa kulanaka soo afmeeray Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal Wasiirka ayaa ka sheekeeyey Maraaxilkii kala duwanaa ee Korontada Dalku soo martay iyo Dhibaatooyinkii iyo Caqabadihii ka dhalan jiray Nidaamkii iyo Qalabkii Liitay ee ay ku Shaqayn jireen Sidaa, awgeed waxa uu wasiirku tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in labedlo Nidaamyadii hore ee liitay , Waxaanu Shirkadaha Korontada Dalka Ku Amray in ay Ku dhaqmaan buugan cida diidana Taalabo Sharciya Laga Qaadi Doono.

Hoos Ka Daawo 

<iframe width=”853″ height=”480″ src=”https://www.youtube.com/embed/3oSfuxFvng4?ecver=1″ frameborder=”0″ allow=”autoplay; encrypted-media” allowfullscreen></iframe>

Leave a Reply