You are currently viewing Wasiirka Tamarta Oo Soo Xidhay Kulan Shan cisho Ah Oo Hagayaasha iyo Habraaca Korontadda Lagu Qaatay

Wasiirka Tamarta Oo Soo Xidhay Kulan Shan cisho Ah Oo Hagayaasha iyo Habraaca Korontadda Lagu Qaatay

Hargeysa 01 january 2019– kulankan hagayaasha iyo habraaca korontada oo socday mudo shan maal mood ah ayaa gaba gabadii waxa ka hadlay agaasimaha waaxda tamarta md: libaan maxamed maxamuud kaasi oo shegay in kulankani wax weyn ka tari doono hormarka aaga korntada hadalkiisina waxa kamid ahaa sida tan.

 

“sadex cisho aynu hoolkan ku qadanay iyo laba cisho oo aynu donayno inaynu fiilka ku qadano waxaynu rajaynayaa inaynu wax badan ka tari doono hormarka iyo nidaaminta horomarinta aaga tamarta”

 

Maareeya yaasha shirkada korntada som power iyo tec shirkada u hadlayay ayaa ka waramay muhimada aaga korntada uu u leeyahay wadanka hadalkoodina waxa kamida ahaa sida tan.

 

“dhaaman madaxada wasaaradda wasiirka iyo agaasimaha tamarta oo labadooduba aad ugu dadaalaya sidii agan tamarta loo horumarin lahaa wasaaradu sida dadaalka badan ee ay u wado in la horomariyo loo sameeyo xeerar iyo shuruucdii ay ku socon lahayd wax laga badalo sidii hore ee ay ku socon jirtay aad baan ugu mahad celinaynaa boqolaalkaa organization dhamaantood waxay ku socdaan waa inay korntada, faa”idadeena laga helo dhibkeedan laga nabad galo hadii ay requisition dhibkeeda ayaa fara badanaya faa`idadeeduna way yaranaysaa, hadaynu ka soo gudubanay marxaladii hore oo aynu manta nidhi aynu requisition aynu yeelano iyo xeerar aynu raacno waa alxamdulilaah.

Sharcigu waa ka dadka hagee hadii wasaaraddu ilaaliso xaqa shirkada iyo xaqa macmiilka ama qofka macmiilka ay intaba ilaaliso waxaan filayaa wax kastaba  way inoo hagayaan hadii la helo laydh istaandara oo la hormariyo inataynu hayno iyo intakaleba lagu daro runtii dalkeenu wuxuu u bahan yahay in laydhka oo kaliya la hormariyo waayo warshado ayaa iman lahaa wax soo saar ayaa soo bixi lahaa maanta lakinse nal uun baynu haysanaa inaynu iftiisano moyaane runtii wax badan oo aynu ahysanaa majirto markaa si aynu taa u gaadhno inaynu cuduudena iyo maskaxdeena galino si loo heli lahaa awoodeynu maanta si aynu horumar u gaadhi lahayn waa inaynu la nimadnaa energy cusub oo aan ahayn kaa maanta aynu isticmaalno”

 

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta j.s.l md: Jaamac X.Maxamuud Cigaal oo kulankaasi soo gabagabeeyay ayaa sheegay inay maanta tahay maalin farxad leh mar hadii laga hadlayo hormarka korntada waxanu shirkadaha dalka uuga mahad celinayaa  kuna booriyay dadalkii wax ku oolka ahaa ee ay ku bixiyeen sidii ay bulshadani u heli lahayd koronto waxana uu tilaamay wasiirka sida ay laga maarmaan  u tahay in la hormariyo korntada wadanka

“halkan bahdii korntada ayaa iskugu timid bahdaa korntaada ceelna uma qodna cidna uma maqana. anaga ayay inagu xidhantahay sida ayanu wax uga qabano manta buug iyo habraac laraacayo  ayaa halkan lagu soo ban dhigay baraktikalna waaynu u araganay waan hubaa marka aad sida u argataan inaad ka naxaysaan magalooyinkeena laydhku sida uu yahay walibana dadka ay dhibaysaa inay yihiin dadka aqoonta u leh ay yihiin lakin haday sidaas uun u dhacday aynu imika iskugu tagno maadama aynu nahay bahdii korntada wadankana runtii waxynu kanahay qayb lixaad leh oo wadanka hormarkiisa oo dhami waxa uu ku xidhan yahay bahadaa korontada sida aynu korntdaa u tayayno ee aynu wax uga qabano baa wadankeena horumarkiisu ku xidhan yahay sida laga sheegay warshadi ma hirgali karto isbitaal masuurto gali karo sida darteed hormar noockasta oo uu yahay inooma imankaro”.

Ugu danbeyntiina wasiirka waxa uu ka qaybgalayasha gudoonsiiyay shahaadoyin  geesta kalena wax uu kormeer balaadhan uu ku soo maray aaga qeybinta korntada.

Leave a Reply