You are currently viewing Wasiirka Tamarta Oo Soo Kormeeray Mashruuca Macdan Qodista Jeydhka Ee Faqi-Ayuub.

Wasiirka Tamarta Oo Soo Kormeeray Mashruuca Macdan Qodista Jeydhka Ee Faqi-Ayuub.

Wasiirka Tamarta Oo Soo Kormeeray Mashruuca Macdan Qodista Jeydhka Ee Faqi-Ayuub.

Burco(Moem )- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo uu weheliyo maamulka gobalka Togdheer iyo dagamda Burco ayaa kormeer shaqo ku tagay Dagmadda Faqa ayuub oo modooyinkii u dambeeyay wasaaradda iyo shirkado macadanlayaal ahi ka qodayeen dhagaxa Jaydhka, iyagoo wasiirka iyo masuuliyiinta ku wehelinayay ay mid mid u booqdeen Buuraha laga qodo dhagaxa Jaydhka, isagoo wasiirku kulan la qaatay odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka bulshada ku dhaqan dagmadda faqa ayuub ee gobolka Togdheer.

Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Walaaleye oo bulshadda Faqa Ayuub la hadlay ayaa wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland uga mahad naqay dadaalka ay ugu jirto sidii loo soo saari lahaa khayraadka dihin ee ku duugan dalka “waxaan halkan u nimid macdan qodista dhagaxa jeydhka ee ka socday dagmadda Faqi Ayuub , iyadoo anga iyo maamulka dagamdda aan iska waraysanay sidii ay u bilaabmi lahayd mashruuca qaybtiisi dambe ee qodista macdanta Jaydhka kaasi uu faa`iido u leh guud ahaan qaranka jamhuuriyadda Somaliland iyo waliba dagmadda faqa ayuub”

Maayirka Dagmadda Burco Maxamud Yuusuf Cabdiraxamaan Muraad ayaa isuguna bulshadda ku dhaqan dagmadda Faqa ayuub ugu baaqay inay ka faaiidaystaan khayraadka dihin ee Macdanta “waxaan ilaahay ka rajaynayanaana inay halkaa ka sii socoto hareerahaan ka joogayna dhamaana bulshadda Fiqi Ayuub waan u Mahadnaqaynaa wasiirkana waan u mahad naqaynaa shaqadii wanaagsan ee uu qabtay waan uga mahad naqaynaa”.

Xildhibaano ka tirasan golaha Guurtida Somaliland iyo kuwa ka socda golaha deegaanka Burco ayaa iyaguna soo dhaweeyay dhagaxan laga qodayoo buuraha dagamadda faqa ayuub ee gobolka Togdheer waxaanay u mahad naqeen wasiirka Tamarta iyo Macdanata Somaliland sida wax ku oolka ah ee uu dhiirigaliyay qodista Macdnanta Jaydhka ee buuraha Faqa ayuub.

Wasiirka Tamarta iyo Macadnata Somaliland ayaa sheegay in wasaaraddu daadal ku bixinayso sidii loola soo bixi lahaa khayraadka dabiiciga ee ku duugan dhulkeena “Wuxuu daarnaa socdaalkayagani kormeer aan ku maraynay mashruuci jaydhka ee dagmadda faqa ayuub oo hawlihiisu meel wacan merayo waxnaan ka guraynaa shilinta iyo qodxaha”.
Wasiirka ayaa kormeer ku soo maray goobaha loo kala xadeeyay shirkadaha deegankan Macdanta ka qodaaya “laba shirkadood ee meel isku haystay iyaga qudheeda inaan go`aan ka gaadhno, waanan soo aragnay sida ay u kala calaamadsanyihiin shirkad waliba aaga ay leedahay ee loo qorsheeyay oo runtii in isku mid ah loo sameeyay, waana saddex shirkadood waxaa la siiyay dhul isku qiayaas ah oo iksu cabir ah dhaguxuna ku wada jiro taasna waan soo akidaynay waanan soo eegaynay sida ay kala yihiin, waxaanan rajaynayanaa inuu noqdo mashruuc lagu rayn reeyo oo kheyr qaba inuu halkaasi ka bilaabmo”.
Safarkan uu wasiirka Tamarta iyo Macadnta Somaliland uu Ku tagay Dagmadda Faqa ayuub ayaa noqonayaa mid qeyb ka ah dadaalada ay wada wasaaraddu ee kor loogu qaadayo sidii khayraadka dihin ee ku jira Dalka.

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jsl.

Leave a Reply