You are currently viewing Wasiirka Tamarta iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Soo Kormeeray Goobaha Macdanta ee Saaxil iyo Togdheer

Wasiirka Tamarta iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Soo Kormeeray Goobaha Macdanta ee Saaxil iyo Togdheer

“…Waxaan Tayaynaynaa shaqadii Macdanta korna u qaadayna wax soo saarka,angoo ilaalinayana badqabka muwaadinka”

Hargeysa- Wefti uu hogaaminayo wasiirka tamarta iyo macdanta Somaliland mudane, Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal ayaa kormeer ku tagay degmooyinka Fiqi Ayuub,Laasciidle iyo Gabagabo  ee gobaladda Togdheer iyo Saaxil, waxaanu daarnaa dardar gelin iyo kormeer hawsha Macadanta ee buuraha Sirgo iyo Goodarad.

Wasiirka tamarta ayaa goob goob u dul istaagay shaqada ka socota ee macdan qodista arlada Somaliland, gaar ahaana deegaanka Salaxlley, waxaanu wasiirku gudaha u galay baabuurta kaydisa xogta dhulka hoostiisa ka tiimaada (Jabaqada).

Wasiirka ayaa bulshadda ku dhaqan deeganadda laga macdanaysto muddo saddex cisho kula sugnaa isagoo u kuur galayaa xaaladda shaqadda halkaasi ka socta iyo qaabka shaqo ee ay macdan qodayashu u shaqeeyaan.

Wasaaradda ayaa soo kordhisay qaab cusub oo macdan qodayaashu kor loogu qaadayo xirfadoodu islamarkaana ka taageeraysa kordhinta taydda wax soo saar geesta kalena lagu ilaalinayo badqabka muwaadinka Somaliland ee ka hawulgala buuraha sirgo iyo Goodarad.

“ilaahay baa mahad leh markii xoolihii idinka baxeen idinku badalay dhagaxaa aad gacmihiina ku soo jabsanaysaan ee idinka soo saaray abaarihii. Waxaan ka wasaarad ahaan maant idinku imi inaan Tayaynaynaa shaqadii Macdanta korna u qaadayna wax soo saarka,angoo ilaalinayana badqabkiin”

Wasiirka ayaa sheegay in ay wasaaraddu goobahan keenayso shirkado xirafado weyn u leh macadan qodista isla markaan shaqaalaha goobahaasi ku sugan ay siin doonaan qalab iyo toobabaro heer sare ah si ay u soo saran macdan tayo leh. “waxaa dhacda in aad dhagaxan qodataan kaasi oo aad habeeno u dhaxdaan waqti iyo shaqo culusna galisaan hadana marka ay shirkadaha idinka iibsadda dhagaxa ay idiin sheegaan in dhagaxaanta qaar ka mid ah ay yihiin qabad, taasi ayaynu Meesha ka saaraynaa waxaan doonayna in dhagax si fiican la idiinku toobabaro badqabkiinana la ilaaliyo oo qalab aad ku qodataan iyo hu`ga ku munaasibka ah shaqadan la idiin siiyo”

Deeganaddi wasiirku soo maray oo qaarkood habeen ku dhaxay ayaa la qaatay tayaynta iyo kor u qaadida wax soo saarka macdanta iyagoo ku tilmaamay warkaa wasiirku u sheegay mid ay in badan sugayaan kuna kalsoonyihiin xukuumadda ay shacbku doorteen.

Xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafada

Wasaarada Macdanta

Maxamuud Axmed Cali (Askar)

 

 

Leave a Reply