You are currently viewing Wasiiradda Macdanta Iyo Maalgashiga Oo Safar Shaqo U Jooga Dalka Congo.

Wasiiradda Macdanta Iyo Maalgashiga Oo Safar Shaqo U Jooga Dalka Congo.

Lubumbashi- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Md. Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo uu wahelinaayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga JSL mudane Maxamed Axmed CAWAD ayaa booqasho ku jooga dalka Koongo (Democratic Republic of CONGO) ee ku yaala badhtamaha Africa.

Socdaalkan Wasiiradu ku tageen dalka CONGO ayaa ah mid Maalgashi loogu raadinayo dalkeena gaar ahaan dhanka Macdanta. Wadankeena waxaa ku jira macdano kala duwan oo dunida qiima badan ka jooga kuwaaso inooga baahan dadaal, aqoon iyo farsamo si aynu uga faaiidaysano.
Wasiiradu waxay la kulmeen shirkada lagu magacaabo Mining Mineral Resource (MMR) iyo SOMIKA oo dalkeena hore usoo booqday. Waxaa Wasiirada lasoo tusay gobolo kala duwan iyo mashaariic macdan qodis ah laga wado gaar ahaan magaalada Lubumbashi oo a magaalada labaad eee ugu wayn dalka CONGO .

Sidoo kale waxaa la tusay qaabka loo sameeyo macdanta Coperta oo dalkeena laga helo. Macdnaha kale ee dalkeena ku badan waxaa ka mid ah Cobalt, Titanium, Tin, Gold iyo Lithium.

Marka safarkani soo dhamaado waxaa la filayaa in heshiis kala saxeexdaan labada Wasaaradood ee Maalgashiga iyo Wasaaradda Tamarta & Macdanta iyio Shirkadaha SOMIKA iyo MMR oo takhsus dheer u leh macdan qodista. Macdanahan oo dunida qaali ka ah hadii laynu lasoo baxno waxay abuuri doonaan dhaqaale badan oo dalka soo gala iyo shaqo abuur.

Leave a Reply