You are currently viewing Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Oo Qabsatay shirkii Bilaha Ahaa ee Shaqaalaha wasaaradda.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Oo Qabsatay shirkii Bilaha Ahaa ee Shaqaalaha wasaaradda.

Hargeisa- Waxaa sidii caadada ahayd manta ka qabsoomay hoolka shirarka ee wasaarada Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Shirkii Bilaha ahaa ee shaqaalaha wasaaradda gaar ahaan shaqaalaha ka hawl gala Xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargaysa, waxaana shaqaalaha kala qayb galay shirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta mudane Siciid Axmed Jibriil iyo Agaasime Waaxeedyada Macdanta iyo Shidaalka Mudane Eng. Cumar Cabdilaahi iyo Eng. Axmed Iidaan.

Ugu horayn waxaa halkaa hadal ku tacaluqa ilaalinta Wakhtiga Shaqada ,Nadaafada Wasaaradda iyo gudashada Waajibaadka Qaran ee ay Umada u hayaan Shaqaalaha uga soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Intaa kabacdi waxa Agaasimaha Guud warbixino kooban oo ku saabsan halka ay shaqada waaaxahoodu marayaan iyo Qorshayaasha ay Damacsan yihiin ka dhagaystay Agaasimeyaasha Waaxaha Macdanta iyo Shidaalka sidoo kale waxaa warbixin halkaa ka soo jeedieyey Gudoomiyaha Shaqaalaha wasaaradda mr Bashiir Aadan.

 

Leave a Reply