You are currently viewing Kulan Dhex Maray Wasiirka Macdanta Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Is-afgarad Ku Dhammaaday

Kulan Dhex Maray Wasiirka Macdanta Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Is-afgarad Ku Dhammaaday

  • Post author:
  • Post category:News
  • Post comments:0 Comments

HARGEISA-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md.Jaamaca Maxamuud Cigaal oo ay waheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda ayaa shir la yeeshay Siyaasiyiiin, xildhibaano, madaxdhaqameed iyo aqoonyahano ka soo jeeda deegaanadda Gobalka saaxiil ee uu ka bilaabmay sahaminta shiidaalku.

Shirkan oo lagaga arrinsanayay layskuna fahansiinayay hanaanka loo maamulayo sahanka shiidaalka ee ka bilowday Gobalka. Waxaan shirkan lagu falaqeeyay qaabka shaqaaleynta xirfadlayaasha iyo kuwa aan xirafada laheyn, hanaanka wacyigalinta bulshada iyo sugida amniga.

Kulan Dhex Maray Wasiirka Macdanta Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Is-afgarad Ku Dhammaaday

Shirkan ayaa ku soo afmeeray is-afgrad isfahan iyadoo dhamaanba tabashooyiinkii dhinaca odayaasha deegaankaasi la xaliyey, isla markaana la isla qaatay wadashaqeyn buuxadda in lagula barbar taagnaado mashruuca sahaminta shiidaalka ee ka socda Gobalka.

Wasiir Jaamaca Maxamuud Cigaal ayaa cadeeyay in mashruucaasi lagu maamuli doono si daahfuran mudana la siinayo dadka deeganka ah.

Dhinaca Odayaasha, Xildhibaanada, Madaxdhaqmeedka iyo aqoonyahanka deegaanka Saaxiil ayaa iyaguna dhankooda cadeeyay in dadka deegaankaasi ay mar walba u heelan yihiin horumarka dalka oo shiidaal baadhistu kow ka tahay. Waxay sido kale cadeeyeen in Is-afgardkaa taama ah ay kula noqonayaan bulshadii ay matalayeen.

Hoos ka Daawo Sawradii Kulankaasi:

 

Leave a Reply